Madaxwaynaha Kenya oo waraaqihii aqoonsiga ka guddoomey Danjiraha cusub ee Somalia u fadhinaya Kenya + Sawirro

0

(Nairobi) 05 Dis 2018 – Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta, ayaa maanta waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay safiirka cusub ee Soomaaliya usoo magacowday dalka Kenya, Maxamuud Axmed Nuur Tarsan.

Tarsan oo isla maanta la wareegay shaqada safaaradda, ayaa sidaa ku beddelaya danjirihii ka horreeyay ee Somalia ku metelayay dalkaasi Kenya.

Tarsan ayaa ka mid ahaa guud ahaan 17 diblomaasiyiin sare oo ay dalalkoodu usoo dirsadeen inay ku metelaan safaaradaha ay ku leeyihiin dalkaasi, kuwaasoo uu sidoo kale warqadaha aqoonsiga ka guddoomey madaxwayne Kenyata.

Hadalsame Media