DAAWO: George W. Bush oo qosol & qamuunyo isku daray + Sawirro

0

(Washington, DC) 05 Dis 2018 – Maraykanka ayaa u baroortay madaxwaynihii 41-aad ee George H.W. Bush oo loo sameeyay maamuus qaran oo lagu qabtay caasimadda Washington DC, waxaana la arkayay Buushka yar oo qosol iyo qamuunyo is raacinaya.

Buushka yar oo ahaa madaxwaynihii 43-aad ee Maraykanka ayaa aabbihii ku tilmaamay ”nin sharafeed wayn” iyo geesi, balse intii uu khudbaynayay ayuu ilmeeyay.

Waxaa munaasabadda joogey madax badan oo ay ka mid ahaayeen madax caalamka ka socotey iyo inta badan madaxwaynayaasha hadda nool sida Clinton, Obama iyo Trump.

Naxashka lagu sido George H.W. ayaa deeto loo qaaday saldhigga ciidamada cirka ee Joint Base Andrews halkaasoo ay ka qaadayso Air Force One oo gaynaysa Texas, halkaasoo Khamiista lagu aasayo maktabadda Bush Presidential Library ee A&M University.

Hadalsame Media