”Waad ka noqon kartaan Brexit!” – Maxkamadda Yurub oo UK siisay fursad lama filaan ah!

0

(Strasbourg) 04 Dis 2018 – UK ayaa haysata fursad sharci ah oo ay kaligeed uga noqon karto  geeddi socodka Brexit, sida ay sheegtay Maxkamadda Yurub, taasoo ka hor imanaysa war hore oo sheegayay in dhaqangalka qodobka 50-aad kaliya looga laaban karo heshiis lala galo dhamaanba dalalka 27-ka ah ee xubnaha ka ah EU.

Warbixin kasoo baxday Maxkamadda Yurub ee Strasbourg, ayaa sheegaysa in ay UK xaq u leedahay inay ka noqota ka bixitaanka Midowga Yurub, xitaa haddii ay mar hore shaqo gelisey Xeerka 50.

Taladan sharciga ah ayaa imanaysa 5 maalmood uun kahor xilliga uu Baarlamanka dhexe ee UK bilaabayo inay ka doodaan heshiiska aan shacbiyadda lahayn ee Theresa May ee lo yaqaan Brexit Deal, kaasoo deeto loo codayn doono 11-ka Diseembar.


Yeelkeede, ninka horseedka ka ah Brexiteers-ka, Nigel Farage, ayaa soo tweet gareeyay in labada dhinac ee UK iyo EU ay wada hollinayaan in la joojiyo Brexit.

Hadalsame Media