Aqalka Sare oo ka doodaya qodob muhim u ah la xisaabtanka hay’adaha dowladda!

0

(Muqdisho) 01 Dis 2018 – Golaha Aqalka Sare BFS ayaa yeeshay kalfadhigii 4aad kulankiisa 8aad, waxaana ajandahu uu ahaa ka doodista iyo su’aalo weydiin, waxaana howlka Golaha ku sugnaa Wasiirka Cadaaladda XFS iyadoo uu shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare BFS Senetor Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

1 – Senator, Xasan Faarax Xujaale, 2 – Xuseen Sh, Maxamud 3 – Samsam Daahir Maxamud, 4 – Farxaan, Muuse suudi yalaxoow iyo Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Golaha aqalka sare BFS Abshir Maxamed Axmed Abshir Buqaari ayaa qaar ka mid ah qodobada ee hindise sharciyeedka la dagaallanka musuq maasuqa fikradahooda ka dhiibtay, iyagoo qodobada kuwa ka mid ah sheegay in wax ka badal lagu sameeyo.

Gudoomiyaha Gudiga Garsoorka Awqaafta, Xuquuqul Insaanka, Haweenka iyo Carruurta Senator Samdsam Ibraahin ayaa qodobada qaar jawaabo ka bixisay, iyadoo sheegtay in ay qaadanayaan fikradaha Xildhibaannada ay soo jeediyaan.

Wasiirka Cadaaladda Xukuumada Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji ayaa sheegay in uu aad ugu mahadceliyay Guddiga Garsoorka Golaha Aqalka Sare sida ay uga shaqeeyeen Hindise sharciyeedka iyo fikradaha nadiifka ah ee Senatarada soo jeedinayeen,

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare BFS Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo kulanka soo gaba gabeeyay ayaa sheegay in maalinta talaadada dib la isugu soo laabanayo Guddigana laga doonayo in qoraalka ay ku soo daraan fikradaha la soo jeediyay ee la isku raacay.

Hindise Sharciyeedka la dagaallanka musuq maasuqa ayaa waxa uu marayaa akhrinta 2aad, iyadoo maalinta talaadada ah laga sugayo inay guddiga ku soo daraan tallooyinka Xildhibaannada Aqalka sare.

Hadalsame Media