Maxaa ka jira in rakaabka Soomaaliyeed si xun loogula dhaqmo Garoonka Aadan Cadde? (Dhibbane hadlay!)

0

(Muqdisho) 30 Nof 2018 – Annigu waxaan ahay Ganacsade Somaaliyeed oo ka shaqaysta Angola oo aan ku leeyahay deggenaansho shaqo (Work permit), anigoo halkaa ku noolaa muddo dhan 18 sano.

Waxaa khamiistii shalay ahayd oo ay taariikhdu ahayd 29-11-2018 igu qabsaday Garoonka Caalamiga ah ee wadankeenna ee Aadan Cadde, kaasoo ay xitaa iiga tagtay Diyaaradii Jubba Airways oo la igu yiri haddii aadan lacag bixin waxaa lagaa Reebayaa diyaaradda.

Annigu arrintaas waan diidey nin magaciisa la iigu sheegay Colaad ayaa si cad iigu yiri waad ka haraysaa diyaaradda haddii aadan bixin lacag aanan fahmin ujeedkeeda, balse waxaan la yaabay qodobbadan:
1- Nin tahriib ah ma ahayn oo da’daydu waa 55 jir aabbe u ah wiil jira 28 sanadood.
2- Ma aysan fiirin degenaanshiyaha iyo inta jeer uu Passport-kaygu garaacnaa maaddaama aysan ahayn markii koowaad ee aan Xamar ku imaaddo.
3- Nin la iigu sheegay in uu madax u yahay baa la ii geeyey waxaana lagu yiri waa dadkii Angola wuxuuna si cad u yiri ka reeba diyaaradda haddii uu wax diido.
4 – Dadka wata Passport-ka ajnabiga ah xushmad baa la siinayey anigii oo ahaa Ganacsade Somali ah oo illaa China ku taga wax xushmad ah la ima siin, welina kuma arag Airport-yada aan maray oo ka badan 10 wixii Muqdisho igu qabsaday oo kale.
Tan kale, waxaan arkayey arday u socotey Uganda oo laaluushkoodii diyaarsaday oo looga qaadanayey Airport-ka dhexdiisa. Weliba dad badan oo Soomaaliyeed ayay arrintaanu meesha ku qabsataa.
Dagaal badan kaddib, waxaa Diyaarada Freedom Airline i saaray wiilal yar yar oo isla Waaxda Socdaalka (Immigration) ka tirsan oo ina raalli gareeyey.
Waxaa iigu yaab badnayd, in markii aan Luanda Airport ka degey la igu yiri ”WELL COME TO LUANDA”, halka dalkii aan u dhashayna 4 afar saac dhib iyo jiid jiid la igu hayey waxaan si sharaf leh uga Codsanayaa dawladeena in nala xaq dhawro oo Passport-keenu meesha aan ku noolahay sharaf buu ku leeyahay e kuwa Garoonka jooga nalaka qabto si aanu caruurteenii iyo guryaheenii iyo dalkeeniiba aan naloo nacsiin.
Mahad sanidiin.

Waxaa Qoray: Dhibbane Xasan Cabdi

Hadalsame Media