DAAWO: Maraykanka oo diyaariyay hub nooc cusub ah oo uu kula dagaallamayo gantaalaha guuxooda ka dheereeya ee Ruushka & Shiinaha + Sawirro

0

(Washington, DC) 29 Nof 2018 – Kaddib markii ay Moscow iyo Beijing soo bandhigeen gantaalo dhowr jeer guuxooda ka dheereeya misna raadeerrada ka dhuumanaya waxay taasi wadne kurkur gelisey Maraykanka oo og inuu yahay cadowga 1-aad ee istaraatiji ahaan ay gantaalahaasi ku ligan yihiin.

Yeelkeede, Maraykanka oo dunida oo idil dacal ilaa dacal dhigtay hannaanta difaaca cirka isla markaana ku faana hannaankiisa caalamiga ah “ee daafaca cirka” ayay su’aalo cusubi ka hor yimaadeen.


Sabab? Hannaan difaaca Maraykanku wuxuu soo ridi karaa gantaalihii hore ee aan guuxooda ka dheerayn jirin kuwaasoo la yaqaanno tiirada (projectile) ay ku imanayaan, balse markii ay soo bexeen gantaalahan cusub ee guuxooda ka dheereeya, waxaa Maraykanka khasab ku noqonaysa inay ku laabtaan miiska kaarto dejinta.

Marka laga soo tago inay diyaariyaan gantaalo u babac dhigi kara ama qaban kara gantaalaha aannu soo sheegnay, wuxuu Maraykanku daraasadeeynayaa laba aragtiyood oo waawayn:

Midi waa adeegsiga hubka laysarka oo la dhigayo dhul, cir iyo bad, midka labaadna waa hub ku shaqeeya tamarta kinetic-ga, labadan aragtiyood haatan waxaa la daraasadeeynayaa muddo sanado ah, balse weli si buuxda looma fariisinin.

Waxaa jirta arrin kale, sanaddii 2000, Lockheed Martin ayaa naqshadeeysay misna tijaabisey wax la yiraahdo Multiple Kill Vehicle (MKV). MKV waxaa marka hore loo ganayaa Hawada Sare sida gantaal caadi ah, balse marka uu halkaa tago wuxuu noqonayaa mashiin is wada waxaana ku xiran madaxyo ku shaqaynaya tamarta kinetic-ga, isagoo qaban kara gantaalaha waawayn ee baalistigga ah iwm.

Barnaamijkan MKV oo markii hore la hakiyay miisaaniyad xumo iyo shaki laga qabey guushiisa, ayaa 2015 dib loosoo celiyay iyadoo sharikadda Raytheon iyo kuwo kale qandaraas lagu siiyay inay naqshadeeyaan noocyo casri ah oo Multi-Object Kill Vehicle (MOKV) ah, kaasoo awood u leh inuu mar qura sii daayo dhowr gantaal oo qabtayaal ah.

Waxaa Diyaariyay: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media