DHACDO KALE OO DHIIG LEH: ”Waxaad igu dirtay xaaskayga!” – Nin goor dhowayd toorreey ku diley gabar xaamilo ah!!

0

(Muqdisho) 27 Nof 2018 – Kaddib dhacdadii naxdinta lahayd ee Joowhar waxaa Muqdisho ka dhacay shil kale oo naxdin leh kaasoo lagu diley gabar kale oo xaamilo ahayd.

Arrintan ayaa ka dhacday suuq yaraha xaafadda Jaamacadaha ee degmada Hodan ee magaalada Muqdisho waana nooca loo yaqaanno dembi shucuureed (crime of passion).

Sida soo gaartey Hadalsame wiilka gabadha xaamilada ah dili doona ayaa la sheegay inay iska af dhaafeen xaaskiisa, kaddibna waxaa la sheegay inuu wiilku middi ku weeraray gabar xaamilo ahayd oo deris la ah oo xilligaa gurigeeda xaaqaysay, isagoo ku eedaynaya inay iyadu ku dirtay xaaskiisa.

SOOYAALKA SHEEKADA – Waxaa la sheegay in ay arrintani soo taxnayd muddo todobaad ah, iyadoo uu ninkani sida la yiri dhowr mar gabadha ugu hanjabey inuu dili doono, isagoo marxuumadda dhimatay oo la yiraahdo Dhoofo Diiriye Gabayre ku eedeeynaya inay xaaskiisa ku dirtay, waxa qura ee uu cuskadayna waxay ahayd inay guriga gabadhaas xaaskiisu usoo carartay dhowr mar oo ay is qabteen, sida ay dad goobjoog ihi u sheegeen Hadalsame.

Gabadha oo ay middidu ka haleeshay qaybta dambe ee u dhaxaysa surka iyo garabka ee bidix ayaa la tuhunsan yahay inay wax ka gaareen wadnaha iyadoo aan naf la gaarin isbitaalka Madiina oo markiiba loola cararay, waxaana markiiba goobta ka baxsaday ninkii gabadha diley oo aan ilaa haatan war laga haynin.

Gabadha geeriyootey ee xaamilada ahayd ayaa sidoo kale ifka uga tagtay 4 carruur ah oo yar yar. Arrimaha noocan ah ee murannada qoysaska ee dhaliya shilal dhiiglayaal ah ayaa sanadihii dambe kusoo badanayay qoysaska Soomaalida ah dhexdooda, balse tani waaba kasii duwan tahay.

Hadalsame Media

 

 

Suuq yaraha Xafada jamacadah ayey ka dhacday