Cashar noocee ah ayay Somalia ka baran kartaa magaalo-dalxiiseedka Caqaba?

0

(Hadalsame) 27 Nof 2018 – Caqaba waa magaaalo xeebeedka kaliya ee ku taalla Jordan iyo magaalada ugu weyn Gacanka Cadaba, Waxa ay dhacdaa koonfurta Jordan, dhul ahaan waa 375 kilomitir oo isku wareeg ah.

Kaalin wayn ayay ka qaadataa horumarinta dhaqaalaha Jordan, iyada oo loo marayo qaybaha ganacsiga iyo dalxiiska. Caqaba waxaa sidoo kale ka adeegta oo ay marin u tahay dalalka kale ee gobolka.

Waxay muddo dheer tahay xarun wayn oo ganacsi, istaraatiijigna u ah bartamaha Bariga Dhexe iyo waqooyiga Afrika, iyadoo ay u dhaw dalalka Israel, Egypt iyo Saudi Arabia .

Caqaba waa magaalo ilbaxnimo iyo sooyaal fog leh, waxaana dhidibada loo taagay sanadkii 4000 BC . Waa goob dalxiis, qadiimi ah islamarkaana ay ku yaallaan xarumo taariikhi ah oo aad u fara badan sida kuwa cilmiga laga barto iyo ganacsigaba.

Dalkeenna Somalia oo leh xeeb aad u dheer oo diirran ayaan ilaa iminka ka faa’iidaysanin dakhliga aadka u faraha badan ee laga soo xarayn karo haddii la sameeyo goobo istaraatiji ah oo dalxiiska loogu tala galay, kaasoo lacag badan oo adag dalka soo gelin lahaa, dadka maxalliga ihina shaqooyin badan ka heli lahaayeen.

Waxaa Diyaariyay: Ismaaciil Fanax

Hadalsame Media