Maxaa ka jira in Cabdullaahi Ciise (AUN) uu Itoobiya ugu codeeyay arrin masiiri ah oo ay diidanayd Somalia?! (Akhri dokumentiga)

0

(Addis Abeba) 25 Nof 2018 – Bishii Maajo 25-keedii sanaddii 1963-kii waxaa ku beegan aasaaska ururka Midowga Afrika oo markii hore kusoo baxay magaca OAU, balse waxaa jirta arrin ay Somalia ka qayb qaadatay oo ku salaysan aayaha ururkaasi gaar ahaan dhanka xaruntiisa.

Dowladda Itoobiya oo adeegsanaysa fiiro siyaasadeed oo qoto dheer ayaa markiiba isu soo taagtey inay qaadato xarunta ururkaasi oo sida la ogyahay ilaa maanta ah magaalada Addis Abeba.

Boqorkii Xayle Salaase ayaa Wasiir Dibadeedkiisii xilligaasi ee Ketema Yifru u xil saaray inuu dalalka Afrika ku maro socdaal uu dalalka Afrika uga gadayo inay Itoobiya u codeeyaan, wuxuuna ku guulaystey inuu kala jebiyo dalalka Afrika ee Faransiiska ku hadla oo ay Senegal ugu horreeysey.

Howl badan kaddib markii la iskugu yimid magaalada Addis Abeba si loogu codeeyo xarunta OAU, Wasiir Dibadeedkii xilligaas ee dalka Somalia ee Cabdullaahi Ciise (AUN) ayaa inay wada qadeeyaan ku casuumey dhiggiisa Itoobiya, si ay uga wada hadlaan arrin muhim ah.

Md. Ciise, oo uu isla Ketema Yifru ku tilmaamay nin akhyaar ah, ayaa deeto xiriir dhiidhaa ah (telegram) ka helay dowladdii Somalia ee xilligaas, taasoo ku wargelisey in duruuf kasta oo timaadda uusan u codayn karin Itoobiya.

Waxay xilligaa ku wada jireen meel makhaayad ah, yeelkeede, Md Ciise ayaa la sheegay inuu warkii la wadaagey dhiggiisa Itoobiya ee Ketema Yifru oo laftiisu arrintaa ka yaabay, wuxuuna ugu niyad qaboojiyay inuu Addis Abeba u codaynayo oo aanu qaadanaynin amarka dowladda Somalia.

Labada nin ayaa is yaqaanney tan iyo 1950-kii, markaasoo uu Ketema Yifru waraysi ka qaaday Md Ciise oo markaa ahaa Guddoonkii SYL, yeelkeede, waloow uu aad ula dhacay ficilka Ciise misna waxaa la sheegay inuu hirgeliyay in gacan taag lagu codeeyo si uu u ogaado ciddii u codaysay ama ka codaysay, iskagana hubiyo in madaxda Ciise oo kale ihi ay dhab ka tahay inay u codeeynayaan.

Itoobiya oo cod aqlabiyad leh loogu codeeyay ayaa Ururka Midowga Afrika marka laga soo tago inay ku heshay galaangal ballaaran oo dhanka qaaradda Afrika iyo adduunka ah marka ay timaado qiyamkeeda diblomaasiyadeed, misna marsatay qaraar masiiri ah oo ilaa maanta taagan, kaasoo dhigaya in xuduudaha Afrika loo daayo sidii uu uga tegey gumaysigu, kaasoo istaraatijiyad ahaan ay dan wayni ugu jirto Itoobiya, halka ay ku dhacan yihiin dalal badan oo ay Somalia oo sanad kaddib isla Itoobiya soo weerartay 1964-kii ay ugu horreeyso.

Ma cadda waxa Md Ciise ku dhaliyay go’aankan uu dowladdiisii ku khilaafayo sida uu sheegayo dokumenti ka sheekaynaya abuuristii Ururka Midowga Afrika.

Halkan ka akhri qoraalka asliga ah.

Hadalsame Media