Soo saarista Baasaboorrada Sweden oo gebi ahaanba la joojinayo!! (Maxaa dhacay?)

0

(Stockholm) 19 Nof 2018 – Dhamaadka bishan Nofeembar ma dhici doonto inaad hesho baasaboor cusub ama Kaadhka Aqoonsiga ama xitaa baasaboorrada yar yar.

Booliiska baasaboorrada soo saara ayaa doonaya inay cusboonaysiin hannaanka oo idil, kaasoo la damin doono muddo 3 maalmood ah gebi ahaanba, taasoo ku beegan Jimce, 30-ka Nofeembar.

Dadka doonaya inay dibedda u baxaan waxaa lagu casuumayaa inay xilli wanaagsan tillaabo qaadaan.

Hadalsame Media