Aabihii nukliyeeerka Shiinaha oo 100 sano ku geeriyooday (Taariikhdiisa)

0

(Beijing) 19 Nof 2018 – Cheng Kaijia, waxa uu ku dhashay sannadkii 1918 degmada Wujiang, gobolka Jiangsu ee dalweynaha Shiinaha, isagoo ka qalin jebiyey Waaxda Fiisigiska Jaamacadda Zhejiang 1941-dii.

Sanadkii 1946-kii, wuxuu aaday Boqortooyada Britain si uu wax uga barto Jaamacadda Edinburgh, isagoo helay shahaadada PhD sannadkii 1948-kii, Kaddibna wuxuu noqday cilmi-baaraha UK ee dhanka Sayniska .

Cheng ayaa ku soo noqday dalka Shiinaha 1950-kii. Wuxu ahaa macallin wax ka dhiga Jaamacadda Zhejiang, kaddibna 1952-kii, waxa uu noqday macallin wax u daraasadeeya Jaamacadda Nanjing.

Cheng wuxuu ahaa horseedka tiknoolajiyadda nukliyeerka Shiinaha, wuxuuna kaalin muhiim ah ka qaatay horumarinta bamamkii ugu horreeyay ee Shiinaha sameeyay.

Wuxuu kala xisaabin jirey heer-kulka gudaha iyo cadaadiska bambada atomiiga ah. Xisaabintiisu waxay ahayd hawl aad u culus, sababtoo ah intii lagu jiray waqtigaas China ma lahayn kombiyuutar ama xataa xisaabiye. Waxa kale oo uu xalliyay farsameynta qaraxii gudaha, kaas oo taageeri kara naqshadda bamka. Wuxuu ahaa Agaasimaha Guud ee goobaha baaritaanka hubka nukliyeerka saldhigyada iyo hababka qarxa.

Sawirkani waa 2014-kii, mar uu madaxweyne Xi jinping abaalmarinta Sayniska guddoonsiinayey .

Cheng waxaa loo doortay Akademiyada Shiinaha. Wuxuu sidoo kale ahaa xubin joogta ah oo ka tirsan Guddiga Sayniska iyo Teknoolojiga ugu qaybsan Shirkadda Warshadaha Nuclearka Shiinaha.

Waxa uu ahaa Madaxweyne Ku-Xigeenkii hore ee Machadka Cilmi-baarista Hubka nukliyeerka ah iyo Ku-xigeenka Agaasimaha Machadka Cilmi-baarista Hubka nukliyeerka Jamhuuriyadda Shiinaha.

1960-kii, waxa uu sameeyay hab-raac xamjiga xagga niyukleer ka ah, iyada oo aan la isticmaalin qalabka wax lagu qoro, oo aan ka jirin dalka Shiinaha wakhtigaas. Afar sanno kaddib, Shiinaha ayaa tijaabiyey bamkii ugu horreeyay ee nukliyeer ah, deeto Cheng ayaa qayb ka qaatay imtixaannadii bambo-biyoodka China ee 1967 kii.

Sanadkii 1999-kii, waxaa la siiyay abaal-marinta Laba Bombo iyo hal Satellite oo dhiirigelin u aheyd inuu caawiyo ama gacan ka gaysto dhismaha bam atomig ah iyo bam hydrogen ah. Bishii Luulyo ee sannadkii 2017-kii, madaxweyne Xi Jinping ayaa guddoonsiiyay Cheng, abaalmarinta milatari ee ugu sarreeysa Jamhuuriyadda Shiinaha .

Waxaa Diyaariyay: Ismaaciil Fanax

Hadalsame Media