DAAWO: Dowladda Somalia oo diyaarisay 206 baloog oo shidaal laga baarayo! + Sawirro

0

(Cape Town) 16 Nof 2018 – Hal arrin oo aad ugusoo noqnoqota khidaabka siyaasadda iyo dhaqaalaha Soomaaliya waa mas’alada shidaalka, taasoo aysan Somalia ilaa maanta ka macaashin wax ka badan hadalhaynta in uu dalku shidaal leeyahay.

Hilinka CNBC Africa ayaa faafiyay sheeko uu cinwaan uga dhigay ”Somalia waxay leedahay 206 balood oo saliid laga baari karo wareegga 1-aad.”

Dowladda Somalia ayaa sanadkan ka qayb gashay Todobaadka Saliidda Afrika oo lagu qabtay magaalada Cape Town halkaasoo ay uga dhawaaqday inay hayso ilaa 206 baloog oo saliid laga baari karo inta badanna ku yaalla xeebaha koonfureed ee dalkaasi Somalia.

Injineer Karar Shukri Doomey, oo ah Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shidaalka iyo Khayraadka Dabiiciga ah ee DFS ayaa isna ka hadlay fursadda lagu maalgashan karo saliidda dalka iyo walaaca amaan ee jira.

Lama hubo sida ay Somalia xilligan amaan ahaan iyo istaraatiji ahaanba uga hadli karto ama u maarayn karto in shidaal laga soo saaro dalka, taasoo sii murjin karta muranka bilaa micnaha ah ee Somalia ka taagan.

Hadalsame Media