Gabar Soomaaliya ku mataleysa Feerka Adduunka + Sawirro

0

(New Delhi) 15 Nof 2018 – Tartanka Cayaaraha Feerka Adduunka ayaa kafurmay magaalada New Delhi ee dalka India, waxaana tartankaani feerka  Soomaaliya umataleysa xidigta da’da yar ee Ramla Cali.

Ramla Cali ayaa Ummadda Soomaaliyeed meel waliba ay dunida ka joogaan ka codsatay in ay ugu soo duceeyaan cayaartaani adag ee ay maanta kahortageysa feeraryahaanada u dhalatay dalka Morocco.

Ramla Cali ayaa loodoortay in ay daahfurto tartankaani AIba women’s world boxing championships ayadoona ay ku wehlisay Indian boxing legend Mary Kom

Ramla Cali ayaa dhawaan waxa ay ka soo qayb gashay tartan heer caalamiga ah  oo dhawaan lagu soogabagabeeyay dalka Turkiga.

Hadalsame Media