FAALLO: Farmaajo & Muuse Biixi kala nasiib badan!

0

(Hadalsame) 15 Nof 2018 – Siyaasaddu waa qorshe iyo dadaal ee nasiibka iyo qaddarta ku ma tashato. Laakiin haddii wax aan qorshahaaga iyo dadaalkaaga ahayn oo ku caawiyaa dunida ka dhacaan waa kuu nasiib wanaag, beddelkeeduna waa kuu nasiib xumo.

Tusaale ahaan Jimmy Carter sannadkii 1980 waxaa riday, oo Ronald Reagan doorashada ku caawiyay, dhalashadii Kacaankii Khumeyni iyo qabsashadii safaaradda Maraykanka ee Dehraan.

Farmaajo wax uu yimid Soomaaliya oo Tigreegu si dadban iyo si toos ahba u gumaysto, oo maamul goboleedyada Addis loo ga wada taliyo. Dabadeed qaddarta ayaa keentay in Itoobbiya isbeddel ka dhaco oo faragelinteedii joogsato, maamul goboleedyadiina agoomoobaan oo cidla ku wada banjaraan. Waa nasiib wanaag aanu Farmaajo qorshaysan oo shaqaysan.

Taa beddelkeeda, Muuse Biixi nasiib xumada iyo guuldarrada ayaa gelbinaya oo isbeddelka Geeska ka dhacay caawa isaga iyo Xaaf ayuu simay. Markaa waa in uu shaqo ka dhigtaa ka la ximinta shacabkiisii.

Waxaa Qoray: Ibraahin Hawd Yuusuf

AFEEF: Farriinta uu qoraalkani sidaa waa mid ka tarjumaysa aragtida qoraha ku saxiixan.

Hadalsame Media