XOG: Juventus oo Jannaayo doonaysa Arturo Vidal

0

(Torino) 14 Nof 2018 – Juventus ayaa doonaysa inay soo ceshato laacibka Barcelona ee Arturo Vidal, sida ku dhigan Corriere dello Sport, Juve ayaa doonaysa inay bisha Jannaayo sii xoojiso khadkeeda dhexe maaddaama aanu kala ‘caddayn’ xilliga uu soo noqonayo Emre Can oo qanjir-candhuufeedka laga hayo.

Sidaa darteed, wuxuu warqaadkani qorayaa in Bianconeri ay ninkan u aragto ‘mid markiiba diyaar ah’ iyadoo uu Vidal xagaagii uun ku biiray Barca oo haatan dheelsiisey 367 daqiiqo oo qura, tiiyoo uu kooxda Camp Nou ka door biday Inter oo iyadna doonaysay.

Wuxuu horay Juve ula hantay 4 Scudetti isagoo la tiigsadey Champions League Final kahor intaanu Old Lady uga wareegin Bayern Munich 2015.

Hadalsame Media