Maxaa iga QABSADAY?! Trump oo u tiriyay Theresa May oo hambalyo usoo wacday! + Muuqaal

0

(London) 14 Nof 2018 – Booqashada Donald Trump ee qaaradda cajuusada ah ee Yurub ayaa “xaalad kacsan ku bilaabatay kuna dhamaatay” waayo marka laga soo tago is qardoofkii isaga iyo madaxwaynaha Faransiiska iyo ka baaqashadiisii ubax dhigga askartii Maraykanka ee ku dhimatay Dagaalkii 2-aad ee dunida waxay sidoo kale isku dheceen RW Britain ee Theresa May.

May ayaa u wacday Trump si ay ugu hambalyeeyso wax lagu sheegay guusha Jamhuuriga ee doorasho-dhexaadkii Maraykanka oo ay ku waayeen Aqalka Wakiillada, balse Trump wuxuu dacwo u raacday May oo uu sidoo kale dood siyaasadeed u furay, sida lagu qoray  Washington Post.

Warkan oo aan hadda kahor soo bixin ayaa dhacay Jimcihii hore, goortaasoo uu Trump u safrayay Paris isagoo ku jooga Air Force One. Trump ayaa waxaa deeto soo wacday May, deeto warkii ayaa labadooda ka dheerdheeraaday, iyadoo uu Trump gunuunuc ka qabey sida aysan UK u taageerin ololaha Maraykanka ee Iiraan ka dhan ah, isagoo xitaa su’aal ka keenay sida ay May u maaraynayso wada xaajoodyada Brexit taasoo ah arrin gaar u ah dalkeeda iyo sidoo kale wax uu ku sheegay xiriirka ganacsi ee ka dhexeeya Yurub iyo Maraykanka oo uu ku tilmaamay mid aan ”cadaalad ku dhisnayn.”

Hadalsame Media