Leonardo oo kaddib Paquetà doonaya Caio & Pato (Wakiilka Rodrigo Caio oo uu la ballansan yahay!)

0

(Milano) 14 Nof 2018 – Milan oo ay dhaawacyo halakeeyeen ayaa sanad qorrexeedkan ku dhamaysanaysa iyadoo daafac dhexe ka haysata labada laacib ee Romagnoli iyo Zapata, sidaa darteed Leonardo ayaa mar kale eegaya dhanka San Paolo Brazil, isagoo doonaya daafaca Rodrigo Caio oo uu doonayo bisha Jannaayo.

Milan ayaa weli go’aan ka sugeeysa UEFA, sidaa darteed si madax bannaan uma geli karto suuqa kala iibsiga, balse waxay ku tala jirtaa inay laacibkan kusoo qaadato amaah ahaan  7/8 milyan oo euro iyadoo bisha Juunna bixinaysa ​​12/13 milyan oo euro.

Leonardo ayaa la sheegay inuu la kulmi doono wakiilka Rodrigo Caio, taasoo laga yaabo maalmaha ama isbuuca soo socda: Xiddiga reer Brazil ee Adaìlton, ee usoo ciyaaray Parma iyo Verona, ayaa sheegay in Milan ay u baahan tahay laacibka Rodrigo Caio oo uu ku tilmaamay mid leh farsamo uu xitaa ku caawin karo khadka dhexe sida Bonucci.

Rodrigo Caio, si kastaba ha ahaatee, lama hubo inuu Serie A la qabsan karo isla markiiba: Leonardo ayaa markaa sidoo kale ka shaqeynaya fursado kale sida Benatia ama Rugani. Marka la eego in qandaraas Zapata uu dhacayo dhamaadka xilli ciyaareedkan, iibinta Rodrigo Caio ayaa sidoo kale faa’iido u leh mustaqbalka Milan: iyadoo la tixgelinayo in ciyaaryahanka uu 25 jirsadey bishii Agoodto ee lasoo dhaafay.

Leo oo horay ula heshiiyay Paquetà ayaa doonaya inuu sidoo kale Milan kusoo celiyo Alexandre Pato si uu u abuuro guruubkii Brazilian-ka ahaa ee ay Milan caanka ku ahayd.

Hadalsame Media