”Haddii aan Shiinu dalabkeenna aqbalin waxaa noo bilaabanaya Dagaal Qaboow!! – Mike Pence

0

(Washington, DC) 14 Nof 2018 – Washington ayaa Beijing ka fileeysa inay isbeddel wayn ku sameeyso siyaasaddeeda oo ay aqbasho dalabaadka Maraykanka, sida in ay goob Maraykanka u furan ka dhigto Badda South China Sea, ama ay u diyaar garoowdo dagaal qaboow, sida uu sheegay madaxwayne-xigeenka Mike Pence.

Moowqifkan oo ah midka uu ku taagan yahay maamulka Trump ayaa waxaa weriyaha Josh Rogin oo ka tirsan Washington Post waxaa uga dhacay Pence oo ay xilligaa isla saarnaayeen dayuuradda Air Force Two jeer uu MX u socdey Aasiya.


Maraykanka ayaa Shiinaha ka doonaya inuu uga tanaasulo waxyaabo badan, min ilaalinta hantida cilmiyeed (intellectual property), ilaa aagga South China Sea oo ay in badan isku herdiyaan ciidamada Badda labada dhinac.

Madaxwaynaha Chinese-ka Xi Jinping ayaa looga fadhiyaa ballan qaad ku aaddan inay Shiinuhu beddelayaan hab-dhaqankooda siyaasadeed, dhaqaale iyo millateri marka ay labada nin shir doceed ku yeeshaan magaalada Buenos Aires oo ay 30-ka bishan Nofeember ku kulmayaan dalalka G20. Haddii ay Washington taa ku qanci waydo, waxaa jiri doona ”Dagaal Qaboow oo toos ah,” sida uu sheegay weriye Rogin oo soo xiganaya Pence.

Mike Pompeo and James Mattis listen to China's Foreign Affairs Director Yang Jiechi, November 9, 2018 © Reuters / Leah Millis
Shiinaha iyo Maraykanka oo arrimo badan isku mari la’

“Waxaan qabaa inay wax badani ku xirnaan doonaan (kulanka) Argentina,” ayuu yiri Pence oo sheegay inay hubaal ka dhigayaan inay Shiinaha u sheegaan halka ay taagan yihiin iyo waxa ay diyaar u yihiin si ay ula yimaadaan hindisayaal dhab ah.

Pence ayaa sheegay in “moowqif adag” ka taagan yihiin inay sii xoojiyeen dagaalka ganacsi ee ay durba ku bilaabeen Shiinaha, maaddaama buu yiri aanu Maraykanku diyaar u ahayn inuu Shiinaha uga tanaasulo saamayntiisa Aasiya, xitaa haddii ay Beijing doorato istaraatijiyad middi middi ku taag ah.

“Haddii ay sidaa doonayaan, hannoo ahaato,” ayuu yiri Pence oo raaciyay. “Meelna uma soconno oo waan joogaynaa gobolka.”

Hadalsame Media