DAAWO: Madaxwaynaha oo ka hadlay inuu wax ka qabtay faragelintii deriska & dadka oo aan weli qancin! (Sabab)

0

(Muqdisho) 14 Nof 2018 – Madaxwaynaha Somalia Md Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka hadlay arrimaha gobolka Geeska, gaar ahaan xiriirka Somalia iyo Itoobiya.

Madaxwaynaha ayaa sheegay inay dowladdiisu ku guulaysatey inay joojiso faragelintii qaawaynayd ee ay Itoobiya ku haysey arrimaha Somalia, taasoo uu sheegay inay ka ogolaadeen labadii Raysal Wasaare ee ugu dambeeyay ee dalkaasi.

Yeelkeede, dadka qaar ayaa gunuunuc ka keenay warka madaxwaynaha iyagoo ku doodaya inuusan madaxwaynuhu weli dadka ka shaafinin war la sheegay inuu yiri RW Itoobiya Dr Cabbeey Axmed oo ku aaddan inay midoobayaan dalalka Geeska Afrika taasoo la filayay inay dowladdu ka jawaabi doonto, balse ay weli ka gaabsanayso.

Hadalsame Media