XAGAL CUSUB: ”Wax walba waa ognahay!” – Erdogan oo caddeeyay in codka qaabkii loo diley Jamaal Khashuuqji loo kala diray dalal badan!

0

Waxaa xog badan laga helay qaabkii bahalnimada ahaa ee loo khaarajiyay Jamaal Khashuuqji oo lagu qalay Qunsuliyadda Sucuudiga ee Istanbul, waxaana cod dhegeysi ah oo waadax ah loo kala diray dalalka France, Germany, Saudi Arabia, the UK, iyo Maraykanka, sida uu caddeeyay madaxwayne Recep Tayyip Erdogan.

“Way wada ogyihiin maaddaama ay dhegeysteen wada sheekaysigii dhacay iyo wax kasta,” ayuu yiri Erdogan oo mar dhowayd hadlayay.

FILE PHOTO: A US Air Force F-15 aerial refueling © Global Look Press / US Air Force
Sucuudiga oo diidey inuu shidaal hawada ku siiyo dayuuradaha DUQAYNAYA Yaman

Erdogan ayaa sidoo kale Sucuudiga ku eedeeyay inay ogyihiin dilaaga oo ku jirey 15 qof oo kasoo degey garoonka Istanbul, isla maalinta la diley qoraagii Washington Post, kuwaasoo isla maalintaa laabtay.

“Saudi Arabia waxay arrintan ku xallin karaan iyagoo nagala hadla 15-kaa oo uu dabcan dilaagu ka mid yahay ama waaba 18, mase loo baahna inay meelo kale eegaan.” ayuu yiri Erdogan.

Hadalsame Media