Muqdisho maqsuud maku noqon kartaa in la mariyo maqasha & dadka micnaha leh?!! (Maxaa dadkan lagu diley?)

0

(Muqdisho) 10 Nof 2018 – Waxaa shalay Muqdisho ka dhacay weerarro is qarxis iyo kuwo toos ahba iskugu jirey, waxaana sidii dhici jirteyba lagu laayay dad rayid ah oo doorar kala duwan ku leh bulshada, kuwaasoo aanayn cidina fahmi karin ujeedka laga leeyahay dilkooda, maaddaama aysan jirin sabab adduunyo oo bannayn karta ama qiil u samayn karta in dadkaa la laayo nooc kasta oo ay tahayba, diin iyada warkeedaba daaye.

• 28 SANO JIR YUSUF MURAAD

Wuxuu dhowaan ka qalan jabiyay mid kamid ah jaamacadaha magalada Muqdisho. Wuxuu ahaa qof dhowaan guursan rabay. Isagoo ka yimid shaqada oo u socda qoyskiisa ayaa wuxuu kamid noqday muwaadiniinta naftooda kuwayaay weeraradii Hotel Saxafi.

FUAD SANTONI

Horaanta sanadkaan ayuu noqday aabe. Wuxuu leeyahay cunug aan wali sanad gaarin.

Fuad Santoni oo kamid ah dhalinyarada Muqdisho ayaa isagoo maraya wadada waxa uu halmar ka warhelay qarax. Maydkiisa ayaa saakay laga helay isbitaal madina. Goordhow ayey qoyskiisa ii sheegeen in ay aaseen.

• HAASHIM YARE WUXUU AHAA FOOM 3

Haashim Cabdi Yusuf oo da’diisa la iigu sheegay 19 sano jir ayaa dhiganayay iskuulka Hoyga Xamar fasalka foom 3. Wuxu jeclaan jiray inuu mardhow noqdo wariye sida uu saxibkiis ii sheegay. Nasiib daro Somalidii ku geeriyootay weerarkii mataanaha ee Muqdisho ayuu kujiray.

• WUXUU AHAA DHAQTAR

Dr Maxamed Yusuf isagoo markaas isbitaalka ka yimid, una socda ehalkiisa si uu ula midoobo ayaa gaari uu saarnaa kula gubtay. Wali ma uusan guursan. Muqdisho ayuuna wax ku bartay, gaari Pl uu saarnaa ayaa qaraxii labaad kula qabsaday.

• INA ILQAYTE & AABBIHII…

3 sano kahor isla meeshii lagu dilay aabihiis ayaa isagana shalay lagu dilay Cabdifatax Cabdirashid Ilqeyte.

• ISBUUC KADIB WIILKIISA AYAA

Abukar Warsame wiilkiisa ayaa maalmo kadib guursan lahaa. Wuxuu ahaa qof iska xoogsan jiray. Mooto bajaaj isagoo saaran ayuu qaraxa dhacay. Jirkiisana si Alle ogyahay ayaa loo aasay

UK AYUU KA YIMID, WUXUU NOQDAY MU’ADIN

Cadceed Xaaji Waceys 70 sano ayuu jiray. Labo sano kahor ayuu ka yimid London. Wuxuu daganaa Hotel Beder ee magalada Muqdisho. Wuxuu noqday mu’adin shanta salaadood. Marxuumka wuxuu naftiisa kuwaayay weeraradii Saxafi Hotel.

• MAXAA LA IIGA SHEEGAY DAHIR SACIID

Dadka xaafadiisa oo aan la hadlay waxey ii sheegeen inuu ahaa waayo arag aad looga jeclaa guud ahaan degmada. Dadkii ku baa’bay gaariga PL-ka ayuu ku jiray. Goordhow ayaana la aasay.

Fadlan u duceeya hadii aad ka damqatay walaalihii ku shahiiday weerarkii bahalnimada ah ee Muqdisho. Inaa lilaahi wa innaa ileeyhi raajicuun.

Allow u naxariiso dhamaan dadkii naga geeriyooday. Waa dareen xanuun badan

Waxaa qoray: Idris Cabdulqaadir

Hadalsame Media