Dalalka Somalia, Itoobiya & Eritrea oo kulanka xiga iskugu imanaya Muqdisho

0

(Addis Ababa) 10 Nof 2018 – Waxaa dalka Itoobiya kusoo xirmey shir 3 geesood ahaa oo ka dhexeeyay madaxda dalalka Ethiopin RW Abiy Ahmed, madaxwaynaha Eritrea ee Esaias Afeworki iyo Somalia Mohammed Abdullahi Mohammed.

Madaxdan oo ku kulmay magaalada Gondar isla markaana booqday harada wayn ee Lake Tana ayaa soo saaray war murtiyeed ay ku sheegayaan in gobolka Geeska Afrika uu yeelanayo iskaashii intii hore aad uga dhow oo dhanka ganacsiga iyo dhaqaalaha ah.

Waxaa la sheegay in kulanka xiga ee 3-dan madaxwayne ayaa la sheegay in lagu qaban doono magaalada Muqdisho ee caasimadda Somalia, sida uu sheegay TV-ga ku hadla codka dowladda Itoobiya.

Hadalsame Media