DAAWO: Ma kula tahay in ay magaalada XALAB dalxiis qaabi karto?!!

0

(Xalab) 10 Nof 2018 – Waxaa soo baxaya muuqaal aragti shimbireed ah oo laga qaaday hawada magaalada Xalab ama Aleppo kaasoo ay sii daysay Wasaaradda Dalxisika Suuriya oo sheegtay in magaaladan taariikhiga ihi ay diyaar u tahay dalxiiskii ay caanka ku ahayd.

Muuqaalkan ayaa soo baxaya laba sano uun kaddib markii magaaladaa laga xoreeyay malliishiyaad dano badan ahayd oo meesha ku habsadey, taasoo keentay in uu dagaal ba’ani ka dhoco.

Waxaa dagaalladaa ku baaba’ay in badan oo ka mid ah dhismayaashii taariikhiga ahaa iyo wershadihii magaaladaasi, waxaana hadda muuqaalka ku jira guryo burbursan oo dib loo dhisayo iyo dhagxaan iyo burbur gawaari lagu daabulayo si magaalada looga saaro.

Hadalsame Media