António Guterres: “Weerarkii ka dhacay Muqdisho Soomaaliya kama hor istaagi doono dariiqa nabadda iyo xasilloonida,”

0
Berlin, Germany - November 04: Antonio Guterres, High Commissioner for Refugees of UNHCR, attends a press conference in german foreign office on November 04, 2015 in Berlin, Germany. (Photo by Michael Gottschalk/Photothek via Getty Images)

(Muqdisho) 10 Nov 2018 – Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkii ka dhacay Magaaladda Muqdisho isagoona sheegay in qaraxyadaasi aysan Soomaaliya ka weecin doonin dariiqa nabadda iyo xasiloonida.

Afhayeen kuxigeenka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Farxaan Xaq ayaa sheegay in Mr. António Guterres uu si aad ah uga xumaaday weeraradii shalay ka dhacay Magaaladda Muqdisho kuwaas oo galaaftay noloshada dad badan oo shacab ahaa, hase ahaatee waxaa uu shacabka iyo dowladda Soomaaliya u sheegay inay garabkooda taagan yihiin.

António Guterres, ayaa tacsi u diray dhamaan qoysaskii dadkoodu wax ku noqdeen qaraxyadii shalay waxaana ku dhaawaca qaba uu u rajeeyay soo bogsasho deg deg ah.

Al-Shabaab ayuu xasuusiyay inaysan marnaba ku guuleysan doonin hadafkooda ah inay laayaan dad shacab ah waxaana uu ku booriyay xaafiiska qaramada midoobay ee Soomaaliya inay gacan ka gaystaan samatabixinta dadkii dhibaatadu soo gaartay.

Kuxigeenka Qaramada Midoobay Raisedon Zenenga ayaa isna sheegay in weerarada nuucaana aysan marnaba Soomaaliya ka jeedin doonin dariiqa hormarka dhaqaalaha iyo dib u habeynta hay’addaha amniga.

Hadalsame Media