Xulka Talyaaniga ee wajahaya Portugal & Maraykanka oo lagu dhawaaqay

0

(Roma) 09 Nof 2018 – Waxaa la magacaabay xulka Talyaaniga iyadoo lagu soo daray wiilka Sandro Tonali oo ay dad badani barbar dhigaan Andrea Pirlo, si uu uga qayb noqdo Azzurri oo kulan muhim ah ku wajahaya Portugal koobka dhowaan galka ah ee Nations League oo ay San Siro kula dheelayaan kahor kulan is kululayn ah oo ay Maraykanka kula leeyihiin Belgium.

Mancini ayaa magacabaabay xul ka kooban 27-laacib, waxaana ka maqan Andrea Belotti iyo Mario Balotelli, halka lagusoo daray laacibka Sassuolo ee Stefano Sensi iyo Vincenzo Grifo oo ka tirsan Hoffenheim. Mattia Perin ayaa isna u muuqda mid eeday kaydka Juventus, waxaana booska kala baxay Alessio Cragno oo Cagliari ah.

Federico Bernardeschi, ayaa la hardamaya jug anqowga ah ayaa loo yeerey halka, kabtanka Bianconeri ee Giorgio Chiellini uu safan doono kulankiisii 100-aad haddii uu mid uun ka dheelo kulamadan.

Halkan ka eeg magacyada xiddigaha wajahaya Maraykanka iyo Portugal

Goolwalayaal Alessio Cragno [Cagliari], Gianluigi Donnarumma [Milan], Salvatore Sirigu [Torino]

Daafacyo: Cristiano Biraghi [Fiorentina], Leonardo Bonucci [Juventus], Giorgio Chiellini [Juventus], Mattia De Sciglio [Juventus], Emerson Palmieri Dos Santos [Chelsea], Alessandro Florenzi [Roma], Alessio Romagnoli [Milan], Daniele Rugani [Juventus]

Khadka dhexe: Nicolò Barella [Cagliari], Roberto Gagliardini [Inter], Frello Filho Jorge Luiz Jorginho [Chelsea], Lorenzo Pellegrini [Roma], Stefano Sensi [Sassuolo], Sandro Tonali [Brescia], Marco Verratti [Paris Saint-Germain]

Weerar: Domenico Berardi [Sassuolo], Federico Bernardeschi [Juventus], Federico Chiesa [Fiorentina], Vincenzo Grifo [Hoffenheim], Ciro Immobile [Lazio], Lorenzo Insigne [Napoli], Kevin Lasagna [Udinese], Leonardo Pavoletti [Cagliari], Matteo Politano [Inter]

Hadalsame Media