Madaxda AMAANTU waa uga dartaaye ka daaya!

0

(Hadalsame) 09 Nof 2018 – Qof madax ah haddii loo ammaano si xad dhaaf ah, ama uu heli waayo kalkaaliyayaal gefkiisa kala taliya, wuxuu u qaadanayaa inuu dhammays yahay oo go’aank kasta oo uu qaato uu ku saxan yahay. Waxaa ku xigta inuu is weydiiyo in isagoo kale adduunka laga heli karo.

Wuxuu gaarayaa heer qofkii qaladkiisa sheega uu u qaato inuu maslaxadda guud ka soo hor jeedo. Waxa dadkoo dhan wada ammaaneen sidee keligiis ceeb uga arkay ayuu is leeyahay.

Si uu u ilaaliyo bulshada wada-jooggeeda iyo horumarkeeda wuxuu fududaysanayaa dilka qofkaas iyo koox walba oo siyaasaddiisa dhaliisha.

Markii dawladdu hawlaheeda ku guulaysato, uma qaadanayo in wada shaqayn iyo taageero shacab meesha ku jirtey. Isaga ayaa keligii sida qorraxda isugu muuqanaya.

Mashruucii uu fuliyaba wuxuu u qaadanayaa inuu yahay xubin jirkiisa ku korortay. Xukunka ka deg markii la yiraahdo ayuu ka yaabayaa dadka qof iyo xubnihisii kala goynaya. Waddankuba inuu jirkiisa ka mid yahay ayuu u qaadanayaa. Ama aan wada dhinto ama wada noolaado weeye jawaabtu.

Ninkii la oran jirey Xajaaj bin Yuusuf oo xukumi jirey Ciraaq oo ahaa nin dilku u sahlanaa ayaa la sheegay inuu booqasho ku tegey Dimishiq oo uu joogay boqorkii Cabdilmalik bin Marwaan.

Boqorkii ayaa weydiiyey in Xajaaj ka warramo Ciraaq. Wuxuu yiri; Waa la fiicnaa. Laakiin waxaan weli heli la’ahay dhawr nin oo aan dilkooda raadinayey. Waxaa la yiri sabab. Wuxuu yiri:

Kan kowaad waa Muqaatil bin Musmic oo madax ka ahaa gobolka Sijistaan. Dad ayuu u qaybiyey xoolo badan oo ka farxiyey, markuu oo galay magaaladii ayaa dadkii dharkoodii dhulka u gogleen si uu ugu socdo. Intuu aad u farxay ayuu yiri “لمثل هذا فليعمل العاملون” ama derejada aan gaaray ha la wada tiigsado.

Kan labaad waa Cubeyd inbu Dibyaan. Aftahan ayuu ahaa oo maalin uu khudbeeyey ayaa dadkii ku dhawaaqeen “Adigoo kale Ilaahay ha noo badiyo” Intuu xanaaqay ayuu yiri: “لقد سألتم الله شططا” ama “Ilaahay waxaad weydiisateen gardarro” Sidee anigoo kale loo badinayaa!

Kan saddexaad waa Macbad inbu Suraarah. Isagoo dariiq fadhiya ayaa waxaa soo martay haweeney habawsan. Waxay tiri “Addoonkii Ilaahayoow, xaggee loo maraa meel hebla?” Intuu xanaaqay ayuu yiri “Naa ma anigoo kalaa addoon Ilaahay lagu yiraahdaa?”

Raggaas waxay u badnaayeen rag amaanta dadka iyo sheekada naftooda la fuuray oo isu qaatay inay dadnimadoodii kor uga dallaceen.

Waxaa Diyaariyay: Cabdulqaadir Diiriye

Hadalsame Media