Ma dhab baa inuu dhaanteeyay Ronaldinho? (Xog laga helay xaalkiisa)

0

(Porto Alegre) 09 Nof 2018 – Ronaldinho oo ka mid ahaa xiddigihii ugu xirfadda badnaa qarnigan 21-aad ayaa laga soo sheegayaa inuu ku jiro xaalad dhaqaale oo aad u xaraar, iyadoo la sheegay in uu bixin waayay qaamo lagu leeyahay, sidoo kalena ay khasnaddiisu haawanayso, haddaba waa sidee xaalku.

Maxaa ka jira inuu musallifey Ronaldinho? Maalmo yar kahor garsoorka cadaaladda ee Rio Grande do Sul ayaa amar ku bixiyay in baasaboorka laga qaado Ronaldinho iyo xitaa walaalkii Assis oo bixin waayay ganaax la saaray 2015 markaasoo ay dhisayeen dhul aysan rukhsad u haysanin, taasoo ah meel kalluumaysiga loogu tala galay oo ku taalla daanta webiga Guaiba oo laga sameeynayay magaalada Porto Alegre.

Lacagta laga doonayay waxay gaaraysaa ilaa 2 milyan oo euro, sida ku dhiga Uel Esporte, xitaa Maamulka Gobolku wuxuu eegay khasnadda laacibka oo laa helay wax ka yar 6 euro, taasoo ay aad u hadal haysay warfaafinta dunidu.

Waxay taasi u ekaatey inuu dhaanteeyay laacibkii waynaa oo aan kaliya malaayiin doollar ka helin kubadda cagta ciyaaristeedee, sidoo kale weli lacago badan ku kasbada iidhehyo uu u sameeyo sharikaad waawayn sida NIKE oo uu u xayaysiiyo kabaha cusub ee ”R10”, isagoo 17-ka bishan Nofeembar howlo iidheh u tegi doona magaalada Frankfurt ee Jarmanka, si uu u qabto dhacdo khayriyad ah oo la yiraahdo “Friends of Ronaldinho”.

Haddaba, waxaa la isku raacay in Ronaldinho aanu musallifin, balse uu lacagtiisa dhigto bankiyo ku yaalla dalalka canshuuraha lagula dhuunto, isagoo si kas ah 6-daa Euro ugu dhaafay khasnaddiisa uu ogyahay maamulka gobolka uu ka joogo Brazil oo aanu hadda tegi karin inta xukunkani taagan yahay.

Wixii dheeraad ah waan soo gudbin doonnaa Haddii Alle idmo.

Hadalsame Media