”Mourinho taatikada wuxuu ku bartay Talyaaniga, falkii xalayna wuu usii qorshaysnaa!”

0

(Milano) 08 Nof 2018 – Jose Mourinho wuxuu “taatikada kubadda cagta ku bartay Talyaaniga” sidoo kale falkii uu dhegta ku qabsanayay ee uu sameeyay kaddib dhamaadkii ciyaartii uu xalay 2-1 uga badiyay Juventus waxay ahayd wax u sii qorshaysnaa sida uu qabo Luigi Cagni.

Macallinkii hore ee Piacenza oo haatan ciyaaraha TV-yada ka falanqeeya weligii lama dhacsanayn the Special One aragtidiisuna uma muuqato mid is beddeshey.

“Wax aan Mourinho ka baranayaa ma jiraan dhanka Taatikada. Waayo aragtidayda isaga laftiisu wuxuu taatikada ka bartay Talyaaniga waqtigii Inter,” ayuu Cagni ku yiri RMC Sport.

“Mourinho waa nin ku fiican gedgeddinta muuqaalka uu doonayo inuu warbaahinta ka arko. Waxay ila tahay inuu falkii xalay sii qorsheeyay, haddii lacalla ay wax u dhacaan sida uu doonayo,” ayuu raaciyay Cagni.

Hadalsame Media