Ethiopian Airlines oo xaqiijisay duulimaadyada isku xiraya Addis Ababa-Muqdisho + Sawirro

0

(Addis Ababa) 08 Nof 2018 – Sharikadda duullimaad ee haatan ugu wayn qaaradda Afrika ee Ethiopian Airlines ayaa xaqiijisay inay bilaabayso duullimaadyo isku xiraya Muqdisho iyo Ethiopia.

Sharikadda ayaa boggeeda rasmiga ah ee Twitter kusoo qortay sidatan: ”Saacaddu waa siqaysaa, waxay kusoo biiraysaa shabakadeenna sii ballaaranaysa ee caalamka.

Horay waxaa loo sii sheegayay inay duullimaadyada si rasmi ah u bilaabayso 2-dii bishan Nofeembar, kuwaasoo ay 3 maalmood ku imanayso magaalada Muqdisho.

Hadalsame Media