Booliiska Dubai oo yeelanaya qayb ku qalabaysan mootooyin DUULAYA + Sawiro

0

(Dubai) 08 Nof 2018 – Sanad uun kaddib markii ay sharikadda saldhigata gobolka California ee Hoversurf ay Gitex ku soo bandhigtay mooto duulaysa, booliiska Dubai ayaa ka dalbaday mooto qaab joog ah u duulaysa oo la yiraahdo eVTOL.

Heshiiska ayaa la saxiixay 2017-kii, balse haatan ayay Hoversurf waxay Dubai usoo daabushay dufcaddii ugu horreeysey, gaar ahaan nooca S3 2019 Hoverbike iyadoo durba bilowday tababarka saraakiisha ku shaqayn doona mootooyinkan.

Sarreeye Guuto Khalid Nasser Alrazooqi, oo ah Maareeyaha Guud ee Booliiska Dubai qaybta Caqliga Macmalka ah (AI), ayaa eVTOL ku tilmaamay qayb daruuri u noqon doonta gaaritaanka meelaha ay adag tahay in horay laga galo, wuxuuna sheegay inay rajaynayaan inuu howlgalka rasmiga ihi bilowdo 20202.

Hadalsame Media