SIBIQ DAGAAL: Bambar gujis dile ah oo uu Ruushku leeyahay oo sanka u maray markab dagaal oo uu Maraykanku leeyahay! + Sawirro

0

(Badda Norway) 04 Nof 2018 – Bambar ay Ruushku leeyihiin oo ah nooca Tu-142 ayaa waxaa haadka ka arkay markab dagaal oo uu Maraykanku leeyahay oo ka qayb qaadanaya Layli ciidan oo ay NATO samayso midkii abid ugu waynaa oo ka soconaya Norway (Trident Juncture 18), iyadoo laga qaaday sawir duufaan ka kiciyay warbaahinta Galbeedka.

Dayuuradda ayaa waxaa dushiisa ka arkay markabka USS Mount Whitney, oo ah maraakiibta waawayn ee ka tirsan Raxanta 6-aad ee ciidamada badda Maraykanka, kuwaasoo xilligaa markabka dushiisa isaga qaadayay sawirro wadareed. Arrintan ayaa ciidamada Maraykanka qaarkood u noqotay fursaddii ugu horreeysey ee ay il ku saaraan bambarka Tu-142 oo toos ah, kaasoo ay NATO ugu yeerto ‘Bear-F.’

“Waxay dayuuraddani samaysaa roondooyinka dhaadheer,” ayuu yiri mid ka mid ah Marines-ku, balse warsidaha facsharka qora ee Ingiriiska ah ee The Sun, ayaa lasoo degdegey cinwaan uu baraxa ka badiyay, isagoo qoray in dayuuraraddan Ruushku ay  “halis ugu jirtey inay abuurto dagaal ay la gasho 29 dal oo xulufo ah” – Haddiiba aysan sababin bilowga Dagaalkii 3-aad ee Adduunka.”

Wasaaradda Gaashaandhigga Ruushanka ayaa xaqiijisay inay kicisay laba Bambar oo Tu-142 ah nooca gujisyada dila, si ay roondo ugu sameeyso biyaha caalamiga ee Badda Norwegian Sea Jimcihii. Labada dayuuradood ayaa kaddib 12 saacadood oo ay ku jireen hawada waxay dib ugu soo laabteen saldhig ay ku leeyihiin meel dhacda woqooyiga-dhexe Ruushka gaar ahaan gobolka Vologda.

Hadalsame Media