DHEGEYSO: Taariikhda jookarka Cristiano Ronaldo

0

(Torino) 03 Nof 2018 – Jookar Juve ee Cristiano Ronaldo ayaa noqday laacibkii ugu horreeyay taariikhda ee 400 oo gool ka dhaliya isu gayn ahaan 5-ta horyaal ee ugu waawayn Yurub..

Laacibka reer Portuguese ayaa dhaliyay goolkiisii 7-aad, 10 kulan oo Serie A ah, waxaana soo raacaya 311 gool oo uu La Liga ka dhaliyay waqtigii Real Madrid iyo 84 uu ka dhaliyay Premier League oo uu Manchester United ku meteli jirey, guud ahaan waa in ka badan 400 oo gool.

Waxay ku qaadatay 497 kulan inuu Ronie 400 oo gool ka badan ka dhaliyo 3-da horyaal ee waawayn ee uu kasoo ciyaaray, haddaba waxaanni idiin haynaa taariikhdiisa ciyaareed ka hor inta aanu imaanin xeebaha dalka Talyaaniga, waxaana soo jeedinaya Cabdinuur Maxamed Axmed oo hadda ah Agaasimaha Warfaafinta ee Madaxtooyada Somalia.

Hadalsame Media