Madaxwaynaha Uganda oo tusaale xun ka dhigtay Somalia (Akhri waxa uu qoray)

0

(Juba) 02 Nof 2018 – Madaxwaynaha Uganda ee Yuweri K Museveni oo ka mid ahaa madaxdii ka qayb gashay munaasabaddii loogu xafladaynayay heshiiskii ay horay u gaareen madaxwaynaha South Sudan Salva Kiir iyo Riek Machar ayaa tusaale xun ahaan usoo qaatay Somalia.

Wuxuu bartiisa Twitter kusoo qoray sidatan: ”Shisheeyuhu waxay doonayeen in ay South Sudan noqoto meel maran sida Libya iyo Somalia, waxaan u mahad naqayaa Riek Machar iyo madaxwayne Salva Kiir oo taa diidey nabadna doortay. Waxaan u ballan qaadayaa taageerada Uganda, maaddaama aannu aad u quud darraynayno xoojinta geddi socodkan nabadeed.”


Waloow aysan beentiiba ahayn in Somalia meel cidlo ah looga tegey kaddib markii ay gashay dagaal sokeeye oo bilaa micne ahaa ilaa haddana ay caqli darradii socoto, misna dad badan ayaa rumaysan in diblomaasi ahaan aysan qurux badnayn in tusaalahan lasoo qaato, gaar ahaan, xilli ay Somalia kasoo kabanayso jabkaa gaarey, weliba ay Uganda ka mid tahay dalalka ay ciidamadu ka joogaan dalka.

Hadalsame Media