Gobolka Banaadir oo hay’adaha sharciga ku wareejiyay 10 qof oo dhaqan aad u xun ku kacayay + Sawirro

0

(Muqdisho) 02 Nof 2018 – Maamulka Gobolka Banaadir ayaa Hay’adaha Ammaanka ku wareejiyey 10 ruux oo si sharci darro ah lacago uga qaadan jiray Qoysaska Barakacayaasha ah ee Caasimadda ku nool, si caddaladda loo mariyo.

Shaqsiyaadkan ayaa si been abuur ah ugu sheegi jiray barakacayaasha inay bixiyaan lacago, taas badelkeedana ay siin doonaan lacago dheeri, iyagoo iska-dhigaya Hay’adaha Gargaarka.

“Dadkani waxay iska dhigi jireen Hey’addaha samafalka ee bixiya gargaarka, iyadoo kooxdan abaabulan ay dadka ka qaadayeen sawiro iyo buuxinta liis ay ku qoran yihiin magacyada qoysaskooda, taas badelkeedana ka qaadan jiray lacago ay ugu yeeraan diiwaangelin ay ku helayaan gargaar kala duwan”. Ayuu yiri Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Saalax Xasan Cumar.

Dadka Barakacayasha ayaa Maamulka Gobolka Banaadir ku soo wargeliyey dhacdadan, iyadoo 10 kamid ah gacanta lagu soo dhigay.

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa uga digay shaqsiyaadka kale ee arrimahan ku howllan in aysan caddaaladda ka fakan doonin, haddii aysan ka waantoobin falalka ay ku dhacayaan dadka masaakiinta.

“Waxaan u sheegaynaa cid walba oo arrimahan ku lug-leh in Caddaaladda aysan ka fakan doonin, Maamulka Gobolka Banaadir-na uu u taagan yahay ilaalinta nafta iyo maalka bulshada Caasimadda, gaar ahaan dadka nugul”.

Hadalsame Media