DAAWO: Madaxkuti nolosha ku cunay Yeey jeer ay booqdayaal yaabbani daawanayaan (Muuqaal naxdin leh)

0

(Eindhoven) 02 Okt 2018 – Booqdayaal ku sugnaa xerada xayawaanka Dierenrijk, oo ku taalla dalka Netherlands, ayaa marqaati ka noqday weerar cunfi ah oo lagu qaaday yeey dhaddig oo ay iyadoo nool kala goosteen 4 madax kuti.

“Yeeydan oo 2 sano jir ahayd waxay markii weerarku dhacayay kasoo baxaysay biyo meesha ku jira iyadoo ay yeey kale la socotey,” ayuu afhayeenka xeradani u sheegay NL Times.

Weerarkan ayaa ka dhacay xerada Mierlo oo u dhow magaalada Eindhoven, iyadoo ay booqdayaashu u qayliyeen dadka xerada nidaamiya, balse waxay ahayd xilli aan waxba laga gaarin oo yeeydii la cunay.

 

View this post on Instagram

 

Eurasian Wolf #wolf #canislupus #eurasianwolf #zoo #dierentuin #dierenrijk #holland #mierlo #beautiful

A post shared by René Bos (@rsbos51) on

Hadalsame Media