Midowga Yurub oo bishan garoomada dhigaya robot ku shaqeeya Caqli Macmal ah oo ku fahmaya haddii aad been sheegto! + Sawirro

0
208

(Brussels) 01 Nof 2018 – Rakaabka maraya garoomada dayuuradeed ee Yurub qaarkood ayaa waxaa su’aali doona robot ku qalabaysan Caqliga Macmalka ah ee Artificial Intelligence AI, taasoo qayb ka ah mashruuc uu Midowga Yurub tiknolojiyaddan ku tijaabinayo.

Dadka rakaabka ah ayaa la waydiin doonaa su’aalo dhowr ah, iyadoo ay su’aaluhu qaab cod ahaan ah ugu duuban yihiin ilaaliye robot ah, waxaana tacbiiraha wejigiisa eegaya isla robot-ka oo leh Caqli Macmal ah si uu u go’aamiyo inay been sheegayaan.

Robot-ka ayaa haddii uu ”shakiyo” bedelaya dhawaqa codkiisa, kahor inta aanu wargelin qof caadi ah oo ka mid ah qaybta socdaalka isagoo fasaxaya kuwa su’aalaha sida saxda ah uga jawaaba, sida uu yiri Keeley Crockett oo ka tirsan Manchester Metropolitan University, oo ka mid ah ragga mashruucan wax ka wada.

Ilaa €4.5 milyan ($5.1 milyan) ayaa ku baxaysa mashruucan oo loogu yeero iBorderCtrl, waxaana wixii bishan Nofeembar ka bilowda lagu tijaabin doonaa garoomada Hungary, Latvia iyo Greece iyadoo aad loogu adeegsan doono rakaabka ka yimaada bannaanka Midwga Yurub.

Hadalsame Media

Facebook Comments