Sarkaal ka tirsan Sirdoonka Puntland oo weerar afka ah ku qaaday qaar ka mida ah Culumada Soomaaliyeed (Sababta)

0

(Muqdisho) 30 Okt 2018 – Muran iyo dood adag ayaa ka dhashay kadib markii sarkaal ka tirsan sirdoonka Maamulka Puntland oo lagu magacaabo Ahmed Maxamuud uu weerar afka ah ku qaaday mid ka mid ah culumadda ugu caansan Soomaaliya gaar ahaan deegaanada Puntland.

Sheekha weerarka afka ah lagu qaaday oo lagu magacaabo Sheikh Daahir Aw-Cabdi ayaa ka mid ah culumada Diinta Islaamka ee ugu caansan Soomaaliya waxaana uu dhawaan sheegay in mar uu safar u aaday Sucuudiga arrimo la xiriira xajka uu dareemay in sumcadii dowladnimada Soomaaliya ay soo laabanayso kadib markii uu diyaaradii uu saarnaa dhexdeeda ku arkay shiikh u dhashay Sucuudiga oo amaanayay nidaamka dowladnimo ee Soomaaliya ka jira.

Sheekha ayaa si toos ah u sheegay in Soomaalida looga baahan yahay inay difaacdaan oo ay garab istaagaan sida uu yiri dowladnimadooda islamarkaana aysan raali ka noqon in maalin walba loo abuuro khilaafaad lagu cuuryaaminayo dowladnimada Soomaaliya.

Sarkaalka tirsan sirdoonka Puntland oo sida la sheegay ka careysan hadalka sheekha ayaa bartiisa facebook-ga soo dhigay qoraal weerar afka oo uu ku qaaday sheekha, waxaana ay ka dambeysay kadib markii Culumada Soomaaliyeed ee ku dhaqan deegaanada maamulka Puntland ka hadleen khilaafka u dhexeeya Madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamullada gaar ahaan shirkii ugu dambeeyay ee ka dhacay Garowe.

Ninkaan ka tirsan sirdoonka Puntland ayaa sheegay in Sheikh Daahir-Aw Cabdi uu lacag ku qaatay difaaca dowladda dhexe ee Soomaaliya sida uu hadalka u dhigay, waxaana hadalkaasi aad uga gilgishay mushtamaca Soomaaliyeed guud ahaan gaar ahaan dadka ku dhaqan Magaalooyinka Puntland.

Halkan hoose ka Akhriso: baaqii dhawaan ka soo baxay culumada-

Hadalsame Media