DHEGEYSO: Ronaldo oo hal meel dunida oo idil uga fiicnaaday!

0

(Torino) 30 Okt 2018 – Jookarka Juventus ee Cristiano Ronaldo ayaa noqday laacibka ugu shacbiyadda badan barta Instagram, isagoo xitaa dhaafay Selena Gomez.

Portuguese-kan oo xagaagan kusoo biiray kooxda Bianconeri oo uu durba usoo xareeyay iib rikoodh jebis ah oo dhanka funaanad gadista ah ayuu profile-kiisu soo jiitey 144,309,204 oo kala socota, taasoo ka dhigtay qofka ugu shacbiyad badan guud ahaanba Instagram.

Halkan ka DHEGEYSO falanqayn…

Waxaa soo raacda fanaanadda Selena Gomez, oo horay hoggaanka u haysay, oo haatan maraysa 144,308,767. Marka dhanka ciyaaraha laga hadlo laacibka kale ee qura ee 10-ka sare ka mid ihi waa Neymar Jr oo 10-aad ku jooga 104 milyan oo raace.

Yeelkeede, guud ahaan 10-ka sare waxaa ku jira jilaaga Dwayne Johnson, gabadha Kim Kardashian iyo heesaayaasha Beyoncé, Ariana Grande, Taylor Swift iyo Justin Bieber.

Ronaldo aya sidoo kale ka mid ah 8-da qof ee ugu sarreeya dhanka Twitter oo uu ku leeyahay 75,690,231, isagoo ka dambeeya gabadha bandhigyada qabata ee Ellen DeGeneres.

Hadalsame Media