Man United oo midkood doonaysa macallimiinta Conte ama Allegri

0

(Manchester) 28 Okt 2018 – Massimiliano Allegri iyo Antonio Conte ayaa haatan noqday dookhyada koowaad ee beddelaya macallin Jose Mourinho haddii ay albaabka tusto kooxda Manchester United fasal-ciyaareedka xiga, sida ay wararku sheegayaan.

Macallinkii hore ee Chelsea ee Conte oo sidoo kale lala xiriirinayo Real Madrid ayaa koox kasta qaban kara isla bartamaha fasalkan, balse tan Allegri waa in la sugaa ilaa dhamaadka xilli-ciyaareedkan.

Sida ku dhigan Sunday Express, madaxda Manchester United ayaa farta ku fiiqday labadaa macallin ee Talyaaniga ah oo ay u arkaan kuwo xal u keeni kara kurbada ka haysata dhanka natiijada, balse xal waara uma arkaan muddada dheer.

Conte isagu horayba waa u yaqaannaa Premier League oo uu la qaaday kooxda Chelsea, wuxuu sidoo kale ka shaqaysiin karaa Paul Pogba, oo uu kusoo tababaray Juve.

Hadalsame Media