DOWLADNIMADA laguu sheegayo oo dhami waa intaan! (Daawo)

0

(Hadalsame) 28 Okt 2018 – Marka aad maqasho dal hebel wuu hormaray, yaysan ciyaar kula noqonin in dalku sifahaa meell cidlo ah ka qaatay, micnuhu wuxuu yahay inuu dalkaasi leeyahay dad ogol raacista nidaamka iyo kala dambaynta.

Somalia marka ay laba digaag dagaallamaan waxaa markiiba la yiraahdaa ”waa inay ka hadlaan ama xalliyaan madaxda dalka ugu sarreeysa”, waloow aysan madaxduna dadka barin jiritaanka hay’ado dowladeed oo arrin kasta oo dhacda la macaamisha misna dadwaynaha laftoodu waxay sitaan caqliyad ah inuu dowladda leeyahay ninka markaa madaxda ihi.

Sidaa ma aha, tusaale ahaan sawirkan waxaa ka muuqda nin jidka maraya oo isagoo gaarigiisa saaran bilaabaya inuu jidka ku daadiyo kartoomo, deeto nin la socda gaari ka dambeeya ayaa soo degaya deetana kartoomadii dib ugu celinaya gaariga isagoo ku canaananaya inuu soo ururiyo isna wuu qaatay oo wuu soo ururiyay. Dowladnimadu waa uun intaas.

Dowladnimo waa dad leh is maqal, dan guud, wax ka dhexeeya oo ay wada dhowrtaan iyo anshax u diidaya inay hoos ugu dhacaan darajooyinka qaar. Dowladnimo waa uun dadnimo iyo ilbaxnimo.

Hadalsame Media