DAAWO: Baraha bulshada oo ku qaxwaynaya gabar madoow oo aaminsan inay caddaan tahay (Madowga oo ay aad u afladaadaysay)

0

(Fort Lauderdale, FLA) 26 Okt 2018 – Waxaa baraha bulshada dhex meeraysanaya muuqaal lagu qoslay oo ku saabsan gabar madow ah oo laakiin aaminsan inay caddaan tahay, isla markaana madoowga ka neceb qolada cunsuriga ah ee KKK oo ay xitaa wacday isla markaana taageerto, iyadoo madowga ku sheegtay kuwo ”qaylo badan, edeb daran, aan soo jiidasho lahayn, guud ahaanna buurbuuran oo foolxumo badan.”

via GIPHY

 

Gabadhan oo 16 jir ah magaceedana ku sheegtay Treasure, ayaa ka qayb gashay barnaamijka Dr Phil, waxayna si cad dadka madowga ugu tilmaamaysaa kuwo ay aad uga sarreeyso oo kasoo jeeda ”fir daanyeer.”

via GIPHY

 

“Haddii aan yaso qof Afrikaan Maraykan ah, waxay taasi i dareensiinaysaa inaan kaliya booskoodii dhigay,” ayay tiri gabadhan oo sida muuqata la besteed ah jirro maskaxeedka Uncle Ruckus Syndrome.

via GIPHY

 

Treasure hooyadeed ayaa sheegtay inay gabadheedu xitaa yaraanteedii jeclayd boombalayaasha cad cad, balse ay rajaynaysay inay kasoo rayn doonto marka ay waynaato, balse waxay ilaa maanta taagan tahay inaysan sheeganaynin dadka madoow oo ay ku tilmaantay kuwo “tuugo iyo dembiilayaal ah isla markaana halis ah.” ”Gabadhaydu waa cunsuriyad sinjigeeda neceb.” ayay tiri hooyadeed.

Halkan hoose ka DAAWO waraysiga Dr Phil…

Hadalsame Media