SHEEKO CABSI BADAN: ”Waxaan doonaynay inaan ardayda qalno kaddibna aan dhiiggooda cabno” – Laba gabdhood oo dal qalato ah oo lagu qabtay iskuul Maraykanka ku yaalla

0

(Bartow, FLA) 25 Okt 2018 – Laba gabdhood oo da’ yar ayaa lagu qabtay middiyo iyo agabyo kale oo af badan iyagoo jooga dugsi dhexe oo ku yaalla gobolka Florida, kuwaasoo markii su’aalo la waydiiyay qirtay inay doonayeen inay qalaan qaar ka mid ah ardayda iskuulka, deeto jarjaraan oo dhiiggooda cabaan kaddibna iyagu is dilaan.

Gabdhaha ayaa lagu qabtay qaybta qubayska ee iskuulka oo ay ku gaadayeen ilmaha yar yar ee iskuulka, sida uu booliisku sheegay, waxay qorsheeyeen inay ilmaha bireeyaan ama goowracaan kaddib jiiggooda jaqaan hilibkoodana cunaan, iyo waxyaabo kale oo kasii foolxun.

via GIPHY

 

Marka ay ardayga koowaad hilibkiisa ka dhergaan dhiiggiisana ka wabxaan, waxay doonayeen inay dilaan 15-20 arday oo kale, kaddibna ay iyagu middiyaha ay sitaan isku dilaan.

Gabdhaha ayaa la sheegay inay sidaa u yeelayeen inay galaan “dembi aad u xun,” taasoo u saamaxaysa inay NAARTA kula waaraan Shaydaanka, iyadoo sida ay baarayaashu u sheegeen warqaadka Time ay hablahani qorshahan kasoo dhambaleen aflaamta cabsida ah gaar ahaan kuwa la yiraahdo Vampire ee ay daawadaan.

Kerch mourns the college shooting victims.
Maalin dhowayd ayay ahayd markii Koleejka Kerch ee gobolka Krimea lagu laayay arday badan.

Maamulka Bartow Middle School ayaa sheegay in ay ardayda ka “badbaadiyeen” qorshahaa kharriban ee gabdhahaa dad qaloobey, taasoo dhalatay kaddib markii fasalkooda laga tebey ee deeto la raadiyay, kaddibna lasoo helay iyagoo qaybta qubayska ku jira oo ku hubaysan 4 middiyood, middiyaha kartoonnada lagu jaro iyo soofaha middiyaha lagu afeeyo.

 

Hadalsame Media