Maxamed Bin Salmaan oo amaan lama filaan ah kala dul dhacay dalka Qadar

0

(Riyaad) 25 Okt 2018 – Dhaxal sugaha Sucuudiga ee Mohammed bin Salman ayaa amaan kala dul dhacay dhaqaalaha dalka Qatar oo ay col yihiin, taasoo ah kelmad heshiis doon ah tii ugu horreeysey tan iyo go’doomintii Juun 2017-kii.

Ninkan oo ka hadlayay shirka maalgelineed ee Future Investment Initiative oo ka dhacaya Riyaad, ayaa yiri: “Qatar, waloow aan kala duwannahay oo is khilaafsan nahay, misna waxay leeyihiin dhaqaale ballaaran, wayna kasii wanaagsanaan doonaan 5-ta sanadood ee soo aaddan.”

Wuxuu kaloo ku dooday in “Yurub cusubi ay kasoo bixi doonto Bariga Dhexe”, isagoo ula jeeda inuu gobolku leeyahay mustaqbal dhaqaale oo wayn.

Bin Salman, oo beryahan lagu haysto dilkii Jamaal Khasuuqji, ayaa ka mid ah ragga ka dambeeya in Qadar laga go’doomiyo bad, dhul iyo hawo, isagoo ay arrintaa ku wehliyaan dalalka Imaaraatka, Masar iyo Baxrayn, balse taasi waxba uma dhimin Qadar.

Hadalsame Media