Horyaalkee ilaa haatan ugu bandhig wanaagsan tartanka Champions League?

0

(Nyon) 25 Okt 2018 – Kooxaha Talyaaniga ayaa ilaa haatan dhibcihii ugu badnaa ka urursaday Koobka Champions League ilaa haatan, iyagoo ka natiijo wanaagsanaadey dal kasta oo Yurub, isla markaana keenay 2.17 ciyaartiiba.

Juventus iyo Roma ayaa wada badiyay, halka Napoli ay daqiiqaddii ugu dambaysay bareejaysay Paris Saint-Germain, halka Inter looga badiyay guriga Barcelona ee Spain.

Juve ayaa wada badisay 3-dii kulan ee ay dheeshey, iyadoo Giallorossi iyo Nerazzurri ay min 2 jeer badiyeen, halka kooxda Carlo Ancelotti ee Napoli aan weli dhineceeda dhulka la dhigin.

Waxaa Serie A ku xiga horyaallada Bundesliga iyo La Liga oo celcelis ahaan wata min 1.92 dhibcood ciyaartiiba, waxaana ku xiga Portugal oo jooga 1.67.

Tiiyoo ay todobaadkan badiyeen kooxaha reer woqooyiga ah ee Manchester City iyo Liverpool, misna Premier League wuxuu joogaa meel hoose isagoo helay 1.42 dhibcood ciyaartiiba.

Hadalsame Media