WAR CUSUB: Kaamirada CCTV oo loo sameeyay qaab ay iskeed qofka u weji garan karto!!

0

(Hadalsame) 24 Okt 2018 – Wararkii ugu dambeeyay ee kasoo kordha dhanka caqliga macmalka ah ee AI, koox cilmi baarayaal ah oo Hindi ah ayaa iyagoo adeegsanaya hannaanka Algorithm-ka waxay dhiseen hannaan iyadoo la adeegsanyo CCTV, dadka la doonayo ay kaamiradu ”bar garanayso oo soo saarayso.”

via GIPHY

 

Iminka lafteeda CCTV-ga waa laga soo saaraa dadka la doonayo, balse waa in qaab caadi ah qof qof loogu raadiyaa gacanta oo maanta oo idil muuqaalka la celceliyaa, balse tani waxay adeegsanaysaa waxyaabo gaar ah sida jinsiga, dharka uu wato iwm oo loo yaqaanno biometrics-ka jilicsan.

Kooxdan Hindiga ah ayaa adeegsadey qaab uu mashiinku baranayo qofkii uu hadda kahor sawiray kaasoo uu dib u xusuusan karo isagoo hannaan loo yaqaanno convolutional neural network (CNN).

via GIPHY

 

Sida ay daraasaddani caddaynayso, algorithm-kan ayaa si sax ah 28 qofood uga bar gartay 41 qofood oo laga dhex raadiyay, weliba cilmi baarayaashu waxay sheegeen in haddii ay woxoogaa si saxsaxaan ay u dhowayn karaan 100%.

Tiknolijiyaddan ayaa siyaabo kala duwan looga hadlay, tusaale ahaan waxay wax ka taraysaa dadka maqan iyo dembiilayaasha waawayn, balse dhanka kale meelaha qaar aan sharcigu ka shaqaynin waxaa loo adeegsan karaa in si sharci darro ah loogu raadiyo dad gaar ah, amaba ay adeegsadaan dowladaha kali taliska ah oo ku raadsan kara dadka ay xiisaynayaan.


Hadalsame Media