Waa kuma Moxamed Bin Salmaan? (Nin isagoonba xilkii waynaa qaban dunidii xakaariyay)

0

(Hadalsame) 24 Okt 2018 – Wuxuu dhashay 31 August 1985 waxaana dhalay boqor Salmaan oo ah boqorka Sacuudiga balse aanay talo badan iminka gacanta ugu jirin.

Xilkiisa oo hada sacuudiga ka hayo waa dhaxal sugaha boqortooyada,Raisulwasaare ku xigeenka,gudoomiyaha gudiga dhaqaalaha,gudoomiyaha gudiga siyaasada iyo amaanka iyo waliba wasiirka gaashaandhiga.

Xilalka muhiimka ah ee uu aabahii ku dhoobay ayaa u sahlay in uu u durduriyo sida rati baar qab ah wuxuuna muruq muujin ku bilaabay kuwii dad u xigay.

Inkastoo wax yar oo isbadal ah uu sameeyay hadana waxaa aad u badan waxa uu haleeyay.

Wuxuu la dagaalamay oo uu barkood xabsi ku hubsaday culimadii uu u arkayay in aanay laqi karin dacarta uu qooshayo iyo dadka u dhaqdhaqaaqa arimaha xuquuqda aadanaha.

Waa nin ismuujiya islamarkaana neceb dadka uu u arko in ay caqabad ku noqon karaan hamigiisa xukun jaceylka ku saleysan. Dadka yaqaan waxa ay ku tilmaameen nin xafladaha jecel iyo in isaga un la amaano.

Nabarada feexda ah ee aan ka hareyn ayaa ah dhiiga Yemen ee farahiisa ka qoyan iyo dilkii arxan darada ahaa ee qoraagii xikmada badnaa Jamaal Khashoggi.

Amnesty international iyo Human Rights Watch waxa ay aamisanyihiin in uu mudan yahay ku oogida danbiyo dagaal iyo gabood falyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha

Waxaa Diyaariyay: Maxamed Dhoorre

Hadalsame Media