DAAWO: ”Wax baa meesha ka dhacay ee miyay qarinayaan?” – NASA oo lagu eedeeyay inay wax ka ogtahay qarax wayn oo ka dhacay meeraha Mars + Sawirro

0

(Mars) 24 Okt 2018 – Dadka aaminsan Aragti dhagareedka ayaa isla dhexmaraya in uu jiro ‘qaac warkiisa la bixin la’yahay’ meel lagu sheegay qayb uu malaayiin sano ka hor ka qarxay Foolkaano oo ka tirsan meeraha Mars, taasoo ay ku sheegeen in ay muujinayso in ay meeshaa nololi ka jirtey oo ay beri joogi jireen dad cir-jireen ah oo iyagana ay NASA been u sheegayso.

Warka NASA ku eedaynaya inay wax qarinayso ayaa sidii dab duur galay u dhex xulaya barta internet-ka, waxaana muuqaallo uu qabtay fogaan aragga Yurub ee dhanka hawada sare ee ESA soo qaatay hilin Youtube ku yaalla oo lagu magacaabo Secureteam10 oo soo qaatay sheeko 8 daqiiqo soconaysa oo uu cinwaan uga dhigay, ‘Wax WAYN baa ka dhacay Mars… Miyay qarinayaan?’

“Waxaa dhacay qarax – Ma aqaan se inuu yahay foolkaano iyo in wax kale meesha lagu qarxiyay,” ayuu leeyahay Tyler Glockner oo ka tirsan Secureteam10 oo muuqaalkan oo uu soo dhigay 20-kii bishan ay durba daawadeen 468,994 oo qof.

Hadalsame Media