Ciidamada amniga oo koox burcad ah ku qabtay Magaaladda Muqdisho

0

(Muqdisho) 24 Okt 2018 – Ciidamada Booliska ayaa Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho ku qabtay kooxo burcad ah oo dhac ka gaysan jiray gudaha Suuqa iyo xaafadaha u dhaw sida ay sheegayaan illo xog ogaal ah.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada Booliska ay saaka qabteen ugu yaraan labo nin oo watay mooto bajaaj ay u adeegsan jiray gaadiid ahaan si ay dadka u dhacaan waxaana sida wararku sheegayaan baxsaday nin sadexaad oo la sheegay in kooxda la qabtay uu ka mid ahaa.

Ciidamada ayaa hawlgallo ka sameeyay gudaha Suuqa Bakaaraha iyagoo ku raad jooga ruuxa ka tirsanaa kooxaha burcadda ah ee la sheegay inuu baxsaday.

Muuqaalo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa la arkayay mid ka mid ah kooxaha la sheegay inay burcada ahaayeen oo dhaawac ah.

Maalmihii ugu dambeeyay waxaa xoogaysanayay cabashooyin ay jeedinayeen ganacsatada suuqa bakaaraha oo sheegay inay qaatir ka joogaan burcad abaabulan oo dhac iyo dil ka gaysanayay gudaha Suuqa Bakaaraha.

Hadalsame Media