”Waxaan haysannaa hub aannu 10 jeer dunida ku burburinno welina waan sii kordhinaynaa!”

0

(Washington, DC) 23 Okt 2018 – Maraykanka oo haatan ah dal hub waawayn la ciirciiraya ayaa misna beri dhowayd sheegay inuu ka baxay heshiiskii Hardanka Nukliyeerka ee INF, balse seneterkii hore ee Ron Paul ayaa qaba inaysan taasi wanaag soo kordhin doonin.

Ron Paul oo sidoo kale Jamhuuri ah isla markaana aasaasay Machadka Nabadda iyo Baraaraha ee Institute for Peace and Prosperity ayaa sheegay in ka bixitaanka Maraykanka ee heshiiskii 1987-kii ay saxiixeen Ronald Reagan iyo Mikhail Gorbachev, uu kordhinayo amaanka Maraykanka.

Millateriga Maraykanka ayaa ku marmarsoonaya inay sidaa u yeelayaan awoodda soo kordheeysa ee Shiinaha, balse wuxuu Paul sheegay in ujeedku yahay in la kobciyo wax soo saarka hubka Maraykanka ee dagaal ku noolka ah.

”Waxaan haysannaa hub aan annagu isku bururin karno, dunidana aan 10 jeer ku burburin karno, mana u baahnin inaan ka werwerno inaan hub nagu filan haysanno.”

Hadalsame Media