Loollanka siyaasadeed ee Geeska Afrika & doorka faragelinta caalaamiga ah (Qaybtii 2-aad)

0
228

(Hadalsame) 23 Okt 2018 – Labo todobaad kadib, CIA-da Maraykanku waxay ku guulaysatay in ay riddo Mosaddegh iyo maamulkiisii oo ah dowladdii u horreysay ee ay ku bilaabeen hawlgalkooda ka dhan ka ah la dagaallanka dowladaha iyaga (USA) aanan taabacsanayn. Taladii dalkaasna waxaa loo dhiibay Mohammad Reza Pahlavi oo isagu ahaa raaacsane Maraykan; dalkiisana ka sii talinayey 25-kii sano ee xigey Mosadaak. Intii uu Pahlavi kursiga joogay, siyaasadda Iiiraan waxay ahayd mid ka maran wadaniyad iyo dhexdhexaadnimadii qaran.

Laga soo bilaabo tan iyo dhismihii CIA-da, sheekooyinka noocan ah iyo damaca waalan ee Maraykanku waxa uu ahaa mid aanan joogsan, bal’e burburiyey dowlado badan oo aanan lahayn haybad ama ba garab siyaasadeed oo lagaga xishoodo; qaar kale wuu dhufaanay, wixii ka soo haray na go’doon siyaasadeed oo caalami ah ayuu geliyey.
Maraykanku dowladaha ay u geliyey go’doonka siyaasadeed ee caalamiga ah waxaa kamid ah dalka Eriteriya oo uu hoggaamiyo Isaias Afewerki. Iyadu aqlabiyad cod-shacbiyadeed oo 99.8% ah ayey kaga go’day dalkii weynaa ee Ethiopia. Sidaasna ay ku hantiday badi warshadihii qaran ee Ethiopia. Balse khayraadkaas ay haystaan cunaqabatayn caalamiya ayay ka galeen. Dalalka ay xuduudda la leedahay waxaa kamid ah Jabuuti, Suudaanta koonfureed, iyo Ethiopia oo iyadu xilfiwadaag adag la ah Maraykanka, isla-markaan kaaliye qiimi badan ugu ah baraamijkiisa “Dagaalka Argagixisada”.
Dowladda Maraykanku waxay damacday in ay dalka Ereteriya saldhig millateri ka dhisato. Nasiib-darro, Ereteriya waa ay diidday saldhiggaas ciidan. Balse Maraykanku beddelkiisa wuxuu u wareegay dalka Jabuuti oo isagu deris la ah marin badeedka dunida ugu mashquulka badan—Baab Al-Mandab—ee ay ku qulqulaan maraakiibta gaagiidda badeecadda iyo shidaalka caalamiga ah.

Dalkaas gibinka ahi waayadan dambe waxa uu noqday goob ay isugu yimaadaan (oo kulmisay) dowladihii dunida ugu xoogganaa (Sida, Maraykan, Shiine, Jabaan, Talyaani, Faransiis…), se waxa ay rikaataysay damac uu Raashkuna ku doonayay in uu isna saldhig millateri ku yeesho dalkeeda. Maraykanku isaga oo ka dudsan saldhigga millateri ee Jabuuti ay Shiine ka siisay bogcad 5 mile u jirta midkiisa, ayaa khilaaf meel adag gaaray ka dhex-qarxay Jabuuti iyo Imaaraat―oo ah gacan-yaraha siyaasadeed ee Maraykan, Geeska Afrika uga hawlagala.
Khilaafkaasi waxa uu geyeysiiyay Maraykanku in uu dib u damaaciyo saldhig millateri oo ka fog midkiisa Jabuuti. Waayo Shiine oo tartan xooggani kala dhexeeyo ayaa soo degey agtiisa, lana soconaya dhaqdhaqaaqiisa gobolka. Balse hurgumo kale ayaa Maraykan ka haysatay dhanka Ethiopia. Waayo, Ethiopia waxay ahayd dal kamida dowladihii saxiixay baraamijka Shiine ee “Waddada Xariirta ee Cusub”, hindisihiisa “Suun iyo Waddo Qura”One Belt One Road. Bal’e ay noqotay dal ka dhaansamay maalgashi aan caadi ahayn oo ugu dambaystii gaarsiiyay Ethiopia in 60% oo wax-soo-saarkeeda ah (GDP) ay ku bixiso deymo farabadan oo ka gashay Shiine. Deymaha ay

Ethiopia la ciirciirayso ee ay Shiine ka gashay waxaa kamid ah mashruucii dhismaha waddada tariin ee dhexmara magaalada Dirir-dhabe, isla-markaana isku xirta magaalooyinka Addis Ababa iyo Jabuuti. Se socdaalkii Abiy Ahmed uu ku tagey magaalada Bakiin iyo kulankii u dambeeyay ee ay ku kulmayeen Shiine iyo Afrika, ayaa Shiine uu Ethiopia ugu dheereeyay seetada waqtiga bixinta deymaha oo markii hore ahaa 10 sano, loogana dhigay 30 sano.
Isla-kulankankaas ayuu Xinjingpeing uu Abiy usoo bandhigay in Ethiopia ay deynta qayb kamid ah ku beddelato xaddi u qalma oo ah gaaska ay dhawaan kalasoo baxday gobolka Soomaali Galbeed, oo ay sidaas ku siiso Shiine.
Xiisaha, dardarta, iyo damaca xooggan ee Shiishe uu u qaaday Geeska Afrika darteed ayuu Maraykanku qayb weyn uga cayaaray isbeddel dhumuc ballaaran iyo gufaacooyin siyaasadeed oo ka curta Ethiopia. Si uu gobolka uga fogeeyo Shiine iyo mashruuciisa deymeynta ah. Sidii u caadada ahna [Maraykanku], wuxuu kaalmeeyay jabhadda Oromada iyo kacdoonnada dadweyne ee dalka dhan hareeyay saddexdii sano ee la soo dhaafay. Kuwaas oo ugu dambayntii sababay in odeygii Ethiopia loo doorto Abiy Axmed; oo la tilmaamo, tallaabooyinkiisa siyaasadeed in ay ka dhex-muuqdaan fikradaha dhaqdhaqaaqaha haysta dhalashada Maraykan ee Jawar Mohammed―hoggaamiyaha ruuxiga ah ee qowmiyadda Oromada, ahna odeyga QEERO.

La soco qaybta 3-aad…

W/D: Barkhad Cabduqaadir Awcali
E-mail: barkhadawcali@gmail.com

Hadalsame Media

Facebook Comments